VPA (Somali)

Waa maxay Voluntary Placement Agreement (Heshiiska Meeleynta Ikhtiyaarka, VPA) ahi?

VPA waxaa weeye heshiis ikhtiyaar ah oo adiga iyo Gobolka aad gashaan oo loogu tlao geley in si kumeel gaadh ah cid haysa loogu sameeyo ilmaha Gobolka. Maxkamadu gacan kuma laha iyada oo ay jirto moojee sabab loo ogaado ilmahaagu inuu yahay xubin qabiilka Hindida, dhalad Alaska, ama ilmahaagu aanu ku jirin laakiin ay jirto sabab ilmahaaga uu ugu qalmo inuu galo qabiil. 

Ilmahaagu waxaa la meeleeyay iyada oo ayna jirin daryeel guri.

Ilmahaaga waxaa lagu wareejin karaa qaraabo, ruux aan qaraabo u ahayn laakiin cid
ay xidhiidh la leeyihiin oo uu ku qanacsan yahay la joogiisa (midba mida kale), ama daryeelka korsashada dawada.

Marka ilmahaaga lagu wareejinyo daryeel aan guriga ahayn, waxa aad ogolaatay in aad ka qayn gasho oo aad dhamaystirato adeegyada lagu heshiiyay. 

Waxaa lagaa dalban karaa inaad saxeexdo heshiiska Family Voluntary Services (Adeegyada Ikhtiyaarka Qoyska, FVS) kaas oo qayb ka ah VPA.

Adeegyada waxaa kamid ah noqon kara laakiin kuma xadidna waxbarashada waalidka, latalinta walaacyada caafimaadka maskaxda, iyo/ama daawaynta balwada.

Waxay qaadan kartaa wax ka badan 90 maalmood.

Waa IKHTIYAAR. Hadii aanad ogolaanin VPA.

Waxa aad ka noqon kartaa VPA, ama dalban kartaa in ilmahaagu ku noqdo guriga, wakhti kasta VPA. Tusaale ahaan, hadii aad go'aansato inaad joojiso VPA idiin dhaxeeya adiga iyo Waaxda todobaad kadib marka aad saxeexdo heshiiska, waxa aad la xidhiidhi kartaa Waaxda oo waxaad u sheegi kartaa shaqaalaha bulshada Waaxda inaad ka noqotay VPA, oo Waaxda waxaa ku waajib ah inay ilmaha guriga kusoo celiyo iyada oo Waaxdau ay qaado talaabo sharci moojee sida xaraynta dacwad masuuliyad.

 

Waa maxay Family Voluntary Service Agreement (Heshiiska Adeega Ikhtiyaarka Qoysku, FVS)?

FVS waxaa weeye heshiis ka qayb gal IKHTIYAAR AH oo adeegyada ah. Maxkamad kuma lug laha.

Iyada oo FVS ay ogolaato moojee in a qayb ka noqoto VPA, ilmahaaga lagama kaxayn doono gurigaaga inta aad wado adeegyada.

Adeegyada waxaa kamid ah noqon kara laakiin kuma xadidna waxbarabista waalidka, caafimaadka maskaxda, daawaynta balwada. 

Waxa aad ogolaatay inaad raacdo qorshaha amaanka.

Waxay qaadan kartaa illaa lix (6) bilood.

Waa IKHTIYAAR. Khasab kuguma aha inaad ogolaato VPA.

Sidee ayay wax noqonayaan hadii aan doorto in aanad gelin heshiiska VPA
ama FVS?

Hadii aad doonto in aanad gelin heshiiska VPA ama FVS, dhawr shay ayaa dhici doona:

  1. Waaxdu waxay dooran kartaa inay xidho kiiskaaga;
  2. Waaxdu waxay dacwad xarayn kartaa masuuliyada ah oo waxay dalban kartaa in ilmahaagu uu joogo gurigaaga; ama
  3. Waaxdu waxay dacwad xarayn kartaa masuuliyada ah oo waxay dalban kartaa in ilmahaaga laga kaxeeyo gurigaaga.

Waa maxay cida laga masuulka yahayi?

Cida laga masuulka yahay waxaa weeye kiis sharci oo lagu xareeyay maxkamada oo lagaga dalbanayo xaakinka inuu soo faro geliyo oo uu masuuliyada ilmahaaga si kumeel gaadh ah u saaro Gobolka.

Ilmaha ayaa ah cida laga masuulka yahay hadii xaakinku uu ogaado in ilmaha ay iskaga tageen, ku tacaliyeen oo ay dayaceen waalidkii iyo/ama aanu lahayn waalid awood u leh inuu siiyo daryeel ku filan ilmahaaga, sida ilmaha oo amaankiisu sugnayn.

Marka laga tago VPA, ilmahaaga waxaa looga kaxayn karaa daryeelkaaga kahor dacwada masuuliyada inta aan la dhamaysanin mid kamid ah sadex dariiqo: 

  1. Ciidan bilayska aaa ilmahaaga kaa qaadi kara;
  2. Shaqaalaha isbitaalka ayaa ilmahaaa gelin kara hakad inaad qaadato; ama
  3. Gobolka, iyada oo ayna ku ogaysiinin, waxay ka dalban karaan xaakin inuu saxeexo amarka maxkamada si ilmahaaga lagaaga qaado.

Hadii ilmaha lagaa qaado, waxa aad xaq u leedahay dhagaysi inaad hesho aad xaakinka kaga dalbanayso in gurigaaga lagu soo celiyo. Tan waxaa loo yaqaan dhagaysiga daryeelka hoyga. 

Dhagaysiga daryeelka hoyga, xaakinku waxa uu ilmaha kusoo celinayaa gurigaaga, ama waxa uu ilmahaaga ku wareejinayaa daryeel aan gurigaaga ahayn oo qaraabada ah, ruux aan qaraabo la ahayn ilmaha oo ilmuhu la leeyahay xidhiidh oo uu ku qanacsan wada jooga (labadu isku qanacsan), ama daryeelka korinta dawlada. 

Waxaad xaq u leedahay in looyar kula joogo kiiska cida laga masuulka yahay. Hadii aanad awoodin in aad qabsato looyar, xaakinka ayaa kuu magacaabi doono looyar ku matala.

Dhagaysiga daryeelka hoyga, xaakinku waxa uu dhagaysan doonaa dhinac walba, waxa uu eegi doonaa wixii cadaymo ah, oo waxa uu dooran karaa halka uu ilmaha ku wareejinayo. Xaakinku ma gaadho go'aanka dhagaysigan hadii ilmahaaga laga masuul yahay ama hadii kale.